Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay ku joogeen dalka Turkiga, isagoo u gudbay dalka Uganda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta uu la kulmo madaxweynaha Uganda Yuweri Musseveni, iyadoo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal, AMISOM iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka argagixisada.
Uganda ayaa leh ciidamada ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya, waxayna muhiim u tahay ciidamad AMISOM. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ugu dambeeyay oo Talyaaniga loo qorsheeyay ku kordhiyey Turkiga iyo Uganda.