Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Somalia, Donald Yamamoto, ayaa Wareysi siiyey VOA-da Laanteeda Af-soomaaliga, isadoo uga hadlay duqeymaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Mareykanka uu wado, khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe, ciidamada Somalia.
Wareysiga Safiirka ayuu ku sheegay in isaga iyo kooxdiisa shaqada ay ku tala jiraan in ay u guuraan magaalada Muqdisho, kun shaqeeyaan waxaana wareysiga qaaday weriye Sahra Cabdi Axmed, laakiin safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa ka daba timid wareysiga, iyadoo saxay qodob ku jiray oo aan sax ahayn.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wareysiga Danjire Yamamoto ee VOA-da ka baxay 23-ka Novembar iyo farriinta ay twitter-ka ku qortay weriye Sahra Abdi ee ku saabsan “In Safaaradda Nairobi ay u guureyso Somalia horaanta bisha December ee sanadkan” aanu ahayn war si sax ah uga tarjumaya wareysigii lala yeeshay Safiirka.
Warka ayaa lagu xaqiijiyey inay diblomaasiyiinta Mareykanka ay si isdaba joog ah u tagaan magaalada Muqdisho, ayna ku talo jiraan sidii diblomaasiyiin fadhi joogto ah Soomaaliya ay u yeelan lahaayeen
HOOS KA AKHRI QORAALKA SAFAARADDA
November 23, 2018
Clarification after VOA Interview with Ambassador Yamamoto
Nairobi, Kenya – Ambassador Yamamoto on November 23 was interviewed by VOA Journalist Sahra Abdi Ahmed. Her Tweet that, “the U.S. Embassy in Nairobi would move to Somalia, as early as December this year” does not accurately reflect what was stated during the interview. The United States is committed to strengthening ties and promoting stability in Somalia and, as such, Department personnel currently travel to Mogadishu on a recurring basis for diplomatic engagement. The United States is in the process of re-establishing a permanent diplomatic presence in Somalia.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA