Waxaa goor dhow la fasaxay diyaaradii qaadi lahayd wafdi ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii in muddo ah lagu xayiray Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madasha Xisbiyada Qaran oo uuu hoggaaminayo guddoomiyahooda Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sii jeeday magaalada Beledweyne, laakiin markii ay tageen garoonka ayaa lagu wargeliyay diyaaradii qaadi lahayd iinaysan u dhoofi karin magaalada Beledweyne, kadib roob xalay ka da’ay halkaasi oo keenay inuu qoyo garoonka
Arrintan ayaa keentay in muddo 2 saacadood ah ay dib u dhacdo diyaaradii qaadi lahayd wafdiga Sheekh Shariif, markii ay waaxda socdaalka culeys saartay diyaaradda, kadibna loo fasaxay inay u duusho magaalada Beledweyne.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lacag gaareysa 200-kun doolar shaacisay inay ugu deeqday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda dalka ka dhacday.