Sunday, July 6, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ka dalbaday 2 Qodob [Akhriso jawaab yaab leh oo uu siiyay]

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo maanta gaaray wafdi ka socda Beesha caalamka oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayna ka mid ahaayeen IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Xubnahan ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha waqtiga xilkiisu maanta ku ekaa ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehliyeen Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga, waxaana kulankaasi uu ahaa isku daygii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka taagan Doorashada Jubbaland.

Wakiilada Beesha Caalamka oo uu magacooda ku hadlay Wakiilka Q/Midoobay James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday laba Qodob oo kala ah: In Dib loo dhigo Doorashada, si fursad loo siiyo musharaxiinta ka horjeeda Axmed Madoobe iyo in wax ka bedel lagu sameeyo shuruuda Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Jawaabtii Axmed Madoobe uu siiyay Beesha Caalamka ayaa noqotay inuusan isagu sharci iyo awood u laheyn wax ka bedelka jadwalka Doorashada oo arrintasi ay u taallo Guddiga Doorashada ee uu isagu maagcaabay, shaqadooduna aanu faragelin karin sida uu yiri.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilada Beesha caalamka ay ka dalbadeen Axmed Madoobe inay is arkaan Guddigiisa oo ay jawaab ka bixiyaan dalabka Beesha Caalamka si looga badbaado in Jubbaland yeelato laba madaxweyne.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting and table
Image may contain: 3 people, people sitting and beard
Image may contain: 3 people, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON