Wafdi ka socda wakiilada Beesha Calamka ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyagoo wadahadal la yeeshay madaxda Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula yeeshay ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo xubnaha la socday oo ay ka mid yihiin wakiilada Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde.
Wakiilka Q/Midoobay James Swan ayaa sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay xiriirka joogtada ah iyo iskaashiga kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada dalka, ayna la wadaageen walaacooda ah in khilaafka madaxda dowladda federaalka uu dib u dhac u keeno Doorashada.
Wuxuu intaas ku daray sida ay muhiimka u tahay dardar gelinta Doorashada Golaha Shacabka iyo dhammeystirka Aqalka Sare, iyadoo qoondada metellaadda 305 la siinayo haweenka, sida lagu heshiiyey.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in la dhammeeyo khilaafka siyasaadeed ee madaxda dowladda, si nabad ahna ay ku dhacdo doorashada dalka, sidii lagu heshiiyey.
