Monday, July 7, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan adag la yeeshay Guddiyada Doorashada iyo Su’aalo la weydiiyay

Wakiilada Beesha Caalamka, gaar ahaan deeq bixiyeyaasha Doorashada Federaalka ayaa kulan adag la yeeshay Guddiyada Doorashada dalka, iyagoo weydiiyey su’aalo ku saabsan hab maamulka Doorashada ku socoto.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane waxay wakiilada Beesha Caalamka la yeesheen Madaxda Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal, Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada.

Kulanka Guddiyada Doorashada iyo Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha doorashada ee la qabtay ilaa iyo hadda, waxaana hoosta lagu aadkeeyay in loo baahanyahay xaqiijinta hannaan doorasho oo si weyn la isugu halayn karo lana aqbali karo oo horay u socda.

Guddiyada Doorashada ayaa wax laga weydiiyay madax bannaanidooda iyo sida ay xalinayaan cabashooyinka doorashada oo ay ka mid yihiin kuraas la boobay, mushariixin laga hor istaagay xaqoodii tartanka iyo arrimo kale.

Dhaqaalaha Doorashada oo qeyb ka mida laga sugayo Beesha Caalamka ayaa ku xiran in Doorashadu u dhacdo si hufan, lana saxo khaladaadka hareeyay.

May be an image of 4 people
May be an image of 3 people and people sitting
May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON