Sunday, July 6, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo la shiray Cali Guudlaawe iyo Cadaadis lagu saaray Kuraasta harsan inay…

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan dhinaca khadka Internet-ka ee ZOOM-ka ah la yeeshay qaar ka mida wakiilada Beesha Caalamka oo ay hoggaaminayaan Wakiilka Q/Midoobay James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Fraciesco Madeira.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada Aqalka Sare ee ka socota Hirshabeelle, wuxuuna Madaxweyne Cali Guudlaawe ka warbixiyay Doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda Magaalada Jowhar iyo diyaar garowga loogu jiro Doorashada Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka ayaa maanta kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Waxa ay soo dhoweeyeen dadaalkiisa ku aaddan dhammeystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Hirshabeelle iyo dardargelinta doorashooyinka Golaha Shacabka, iyo sidoo kale dadaalladiisa joogtada ah ee uu ku gaarayo dhammaan beelaha iyo sida ay uga go’an tahay in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah ee baarlamaanka Soomaaliya”.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ay madaxweynaha Hirshabeelle ku cadaadiyeen inuu ilaaliyo qoondada haweenka ee kuraasta Aqalka Sare oo beesha caalamka ay dadaal weyn ku bixineyso, iyagoo ka dalbaday in harsan oo laba kursi ah ka dhigo ay haween kusoo baxaan.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu si dhow ula Shaqeyn doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON