Waxaa la shaaciyey xilliga la filayo in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay ku dhawaaqdo go’aanka xukunka Dacadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya .
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa la sheegay inay ku dhawaaqi doonto go’aankeeda kama danbeysta ah 12-ka October ee sanadkan 2021-ka, kadib muddo 7 sano oo kiiskaasi uu yaallay Maxkamadda, iyadoo dowladda Kenya ay isku dayday in laga soo wareehjyo.
Sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo dowladda Soomaaliya u qaabilsan Kiiska waxay maxkamadda ICJ go’aamisay inay ukunka dacwada muranka Badda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya soo gabagabeyso.
Qoraal uu soo saaray Mahdi Maxamed Guuleed ayuu ku yiri “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021”.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo fiican ka qabta in dacwadda loo xukmiyo dhinaca Soomaaliya, iyadoo dowladda Kenya ay markii ugu danbeysay diiday inay ka qeyb gasho diiduu Maxkamadda ICJ ee tooska ahayd oo dhcday 15-kii iyo 16-kii March.
Go’aannada Maxkamadda ICJ ka gaarto Kiisaska Dacwadda ee dalalka dunida u gudbiyaan aya ah kama danbeys aan dib ugu noqosho iyo Rafcaan midna lahayn.
