Sunday, July 13, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo waanwaantii ugu danbeysay u tegaya Magaalada Kismaayo

Waxaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo wakiilio ka socda beesha caalamka oo dadaal ugu jira in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada Jubbaland oo laba Baarlamaan oo iska horjeeda yeelatay.

Wafdiga beesha caalamka ayaa waxaa ka mida Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Fransico Madeire, iyagoo kulamo kala gaara la yeelan doona dhinacyada isku haya Doorashada maamulkaasi, iyadoo lagu jiro dadaalkii ugu danbeeyay ee la doonayo in looga hortago doorashooyin is barbar socda oo ka dhaca magaalada Kismaayo.

Wakiilka Q/Midoobay ayaa laba jeer hore u tegay magaalada Kismauyo, waxaana uu soo saaray qoraal uu kaga dalbaday Guddiga Doorashada Jubbaland ee Axmed Madoobe magacaabay inuu tixgelin siiyo cabashooyinka musharixiinta ka horjeeda qaabka ay wax u wadaan, taasoo uu qoraal kale ugu soo jawaabay guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland.

Dadaalka Beesha caalamka waxaa barbar socda saraakiil ka tiran dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo Kismaayo u tegay arrinta Doorashada, mana jiraan wax horumar ah oo laga gaaray, iyadoo dhinaca Axmed Madoobe uu ku adkeysanayo in doorashada ay dhaceyso 19-ka Bishan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON