Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating & taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wafdiga waxaa soo dhoweeyay maamulka labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo iyo ciidamada isku dhaffka ah ee magaalada loo sameeyay oo ay taakuleyso Q/Midoobay, waxayna kulan kula qaateen maamulka iyo ciidamada Saldhigga Booliska magaalada.
Labada maamul ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo GalMudug ayaa wadajir kulamo ula qaatay wafdiga, waxayna booqan doonaan xarumaha ciidamada isku dhafka ah iyo magaalada.