Wednesday, June 25, 2025

Wakiilka Q/Midoobay oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland & 3 Qodob oo ay ka wada hadleen

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ahayd marki afraad ee u James Swan booqdo Puntland ayna ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin: Wadatashi in laga yeesho marxaladda Soomaaliya ay ku jirto; Doorashada Soomaaliya in waqtigeeda ay ku dhacdo, isku aragtina laga yeesho; Ilaalinta xeerarka dalka u degsan; iyo Horumarinta dimuqraadiyadda & dhaqaalaha ee Puntland.

Dhinaca kal War kasoo baxay Xafiiska Q/Midoobay ee UNSOM ayaa lagu sheegay in kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Q/Midoobay looga hadlay: Doorashooyinka, amniga iyo horumarka, iyo sidoo kale xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee heer federaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON