Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa shaaciyey in Sharciga Doorasha Soomaaliya ee ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, madaxweynahana uu saxiixay ay nasiibdarro tahay inuusan ka jawaabeynin su’aalo muhiim ah si uu dhaqangal u noqdo.
James Swan oo khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya xalay u jeediyey Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa sheegay inkastoo ansixinta sharciga Doorashada ay muhiim tahay, haddana nasiibdarro aanu ka jawaabeynin su’aalaha ka taagan ee muhiim u ah si loo dhaqan geliyo.
“Sharciga doorashada hadda way ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, madaxweynuhuna waa saxiixay… Iyadoo tallaabo muhiim ah la qaaday ayaa hadda waxaa nasiib darro ah in sharciga cusub aanu ka jawaabeynin su’aalaha muhiimka ah si loo dhaqan geliyo sharciga. Su’aalahaasi waxaa ka mida goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, sida loo hubinayo in haweenka ay helaan 30% iyo sida Soomaalida oo dhan doorashada uga qeyb geli karaan…” ayuu khudbadiisa ku yiri James Swan.
Wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka inuu Guddiga Doorashada la shaqeeyo, ayna wadatashi ka yeeshaan dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada kale inay xal u helaan arrimanha sida ugu dhaqsiyaha badan si loogu gudbo u diyaargarowga Doorashada.
Wuxuu intaas ku daray inay arrintan ka qeyb qaataan Maamul Goboleedyada oo Guddiga Doorashada uu xafiisyo ku yeesho dalka oo dhan si uu u qabanqaabiyo doorashada.