Wafdigii beesha caalamka ee maanta booqday magaalada Kismaayo, lana kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inaan la iska indha-tiri karin doorka ay Jubbaland ku leedahay arrimaha masiriga ah ee 2020-ka.
Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu yiri: “Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay weli mid aan la xalin, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxay xaq u leeyhihiin inay kaalintooda ka qaataan hirgelinta Qorsaheyaasha degsan 2020-ka, ma rajeyneyno in doorkooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo maanta magaalda Kismaayo u hoggaamiyey xubno ka socday wakiilada Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.
Socdaalka wafdigan ku tageen magaalada Kismaayo ayaa ahaa kii saddexaad oo ay ku maraan magaalooyinka maamul Goboleedyada dalka, iyagoo hore u tegay Baydhaba iyo Jowhar, waxaana ujeedkoodu ahaa sidii loo hirgelin lahaa qorshaha sanadka soo socda ee horumarinta Qaran.
“Waxaan halkan u joogaa inaan la kulamo dhammaan dhinacyada ay quseyso oo aan maqalno fekerkooda ku saabsan sidii arrimaha mudnaanta leh lagu gaari lahaa sanadka 2020-ka. Waxaana ka mida doorasho qof iyo cod ah, dhammeystirka Dastuurka, Deyn cafinta iyo dagaalka argagixisada” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya oo ku hadlayey codka Wafdiga.
Wafdigu wuxuu sheegay inay ka xun yihiin inaysan u suuragelin inay magaalada Kismaayo kula kulmaan qaar ka mida bulshada rayidka iyo Odayaasha dhaqanka, laakiin ma sheegin sababta keentay arrintan.
James Swan ayaa sheegay in ay ku dhiiri gelinayaan madaxda Soomaalida, hay’adaha kala duwan iyo bulshada qeybaheeda inay ku heshiiyaan qaab hore loogu socon karo, ayna iska kaashadaan hirgelinta arrimaha mudnaanta leh sanadka soo socda.