Wednesday, June 25, 2025

Wakiilka Q/Midoobay iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo isku ballansaday Beledweyne [Ujeedada socdaalka]

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Socdaalka Wakiilka Q/Midoobay waxaa dadka magaalada uga warbixinay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo sheegay inuu ku qanciyay Mr. Keating inuu booqdo magaalada, isagoo aan weli cagta dhigin magaaladaasi.

Arrimaha Keating u tegay magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay ugu horeeyaan wax ka qabashada xaaladda gobolka Hiiraan ee arrimaha abaaraha, waxaana shirar hadda ka bilowdeen magaalada.

Maamulka Hirshabeelle ayaa cadaadis ku saaraya Q/Midoobay inay taageero u fidiso Gobolka Hiiraan oo xaalado liita iyo ammaandarro ka jirto, iyadoo hadda laga gudbay murankii maamulka Hirshabeelle.

Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana goob kasta lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwo dowlada iyo AMISOM oo la dhigay dhammaan magaalada.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  shalay tegay agaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula yeeshay odayaasha iyo maamulka Gobolka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON