Monday, June 30, 2025

Wakiilka Q/Midoobay oo Digniin degdeg ah soo saaray [Puntland oo eedeyn culus loo jeediyay]

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa qoraal degdeg ka soo saaray xaaladda colaadeed ee dib uga soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo.

Wakiilka ayaa qoraalkisia k usheegag inuu si weyn uga walaacsan yahay qalalaasaha ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo 23-ka bishan oo keenay inay ku dhinteen 3 qof iyo dhaawaca tiro kale, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay u hogaansamaan xabad joojinta.

Wuxuu si cad ugu sheegay maamulada Galmudug iyo Puntland inay khilaafaadka u dhaxeeya ku xalistaan si nabad ah oo aan gacan-ka-hadal lahayn, ku heshiiyaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka, dibna loogu furi lahaa wadooyinka xiran.

Wuxuu xusuusiyay xaaladda Gaalkacyo ee bani’ aadaminimo iyo abaarta ba’an ee ka jirta degaanka, wuxuuna ku eedeeyay in Gawaari xamuul ah oo raashin deeq ah u siday dadka abaartu heyso lagu xayiray Waqooyiga Gaalkacyo muddo 3 toddobaad ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON