Sunday, May 29, 2022

Wakiilkii Midowga Afrika ee RW Rooble Dalka eryay oo la filayo inuu is Casilo

Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Fracisco Madeira ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu isla casilo xilka, kadib markii ‘Qof aan laga rabin Dalka’ ay u aqoonsatay xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu qoray Wargeyska The East African ee dalka Kenya oo soo xiganaya ilo Diblomaasiyadeed, Midowga Afrika ayaa ku cadaadinaya Danjire Francisco Madeira inuu is casilo si aanu u noqon diblomasi la eryay.

Warka ayaa sheegaya in Danjire Madeira aanu dib ugu laaban doonin Soomaaliya xilligan kadib markii uu lumiyey dhexdhexaadnimadii, kuna dhex milmay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, waxaana hore loogu eedeeyay inuu xafiiska ku maamulayey musuq, ku takri-fal awoodeed iyo maamul xumo.

Ad

Howlgalka cusub ee ATMIS oo bilowday Bishan April 2022, ayaa lagu bedelay howlgalkii hore ee AMISOM, waxaana hadda uu yahay hoggaamiye la’aam markii Guddoomiyaha Midowga Afrika difaacay Danjire Madeira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,000FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!