Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne uga dhawaaqay inuu yahay madaxweyne maamul cusub oo la badan Hiiraanland.
Qaar ka mida odayaasha beeshiisa ayaa sheegay inay Cali C/llaahi Cosoble u doorteenMadaxweynaha Maamul la magac baxay Hiiraanland oo saacado kooban lagu abaabulay dhismihiisa.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim ayaa magaalada Beledweyne ka sheegay in xildhibaanada Hirshabelle ay burburiyeen nidaamkii hore loogu heshiiyay iyo dastuurkii Hirshabelle, isla markaana dowlada fedeeralka ku xadgudubtay dastuurka dalk u yaal, sidaa darted ay Cali Cabdulaahi Cosoble u doorteen inuu yahay Madaxweynaha Hiiraan.
Cali C/laahi Cosoble ayaa ku doodayay inuu yahay madxweynaha sharciga ah ee Hirshabeelle, iyadoo ay tani ka dhigeyso inuu taagan yahay xaaladii ugu danbeysay ee darajadiisa siyaasadeed.
SAWIRRO