Tuesday, June 24, 2025

WAR CUSUB: Ciidamada Dowladda oo Xalay Gurigiisa kala baxay Agaasime Wasaaradeed & Kiiska loo heysto

Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa la saheegay inay xalay gurigiisa u dhaceen oo ay kala baxeen Agaasime ka trisan  Wasaaradda Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamada Amniga ayaa wararku sheegayaan inay si lama filaan ah gurigiisa u dhaceen Agaasimaha gaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka Daahir Maxamed Nuur, iyadoo xabsiga loo taxaabay, isla markaana Gurigiisa laga qaaday Dokumentiyo iyo Computer uu lahaa, waxayna arrintan ka dhacay Guriga agaasimaha oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay  in  agaasime  Daahir Maxamed Nuur  lagu soo eedeeyay Xatooyo Xoolo dadweyne oo ah inuu ku kacay arrimo musuqmaasuq iyo wax is daba marin ah, iyadoo loo heysto inuu lunsaday lacag $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee mas’uul ka tirsan Wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya loo xiro arrimo musuqmaasuq, iyadoo marar badan dowladda hadda jirta ay sheegatay inay wax ka qabaneyso musuqa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON