Tuesday, July 15, 2025

WAR CUSUB: Dad Shacab ah oo Gacanta ku dhigay Nin Fal dil ah ka Geystay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah ay gacanta ku dhigeen mid ka mida dabley fal dil ah ka geysatay magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dhacday Waaxda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana laba nin oo dabley ay toogasho ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyey Deeq oo ka mida mas’uuliyiinta degmada Waaberi, iyadoo markaas kadib goobta ka baxsaday.

Sida uu sheegay guddoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Waaberi Karaama Muriidi Muuse falka dilka ah kadib ayaa dad Shacab ah oo ka dhowaa goobta  waxay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii dilka geystay.

Ninka la qabtay ayay dadka xaafaddaasi ku wareejiyeen Ciidamada amniga markii danbe goobtaasi gaaray, waxaana saldhigga Booliska Degmada Waaberi tegay mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo shacabka uga mahadceliyey tallaabada geesinimada leh ee ay qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON