Saaka ayay ahayd markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay toogasho ku dileen darawalka gaari BL ah agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ciidamada NISA ee ilaaliya jidka gala Medina Gate, degmada Wajid ee magaalada Muqdisho ayaa toogtay darwalkan oo waday gaari HOMEY ah, kadib markii ay ka shakiyeen xowliga uu gaariga ku waday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya wax qarax ah laga waayay Gaariga, kadib markii ay baareen ciidamada AMISOM, waxaana la xaqiijiyay in Darawalka uu ahaa nin miskiin ah oo shaqeysanayay, bale ka carraray ciidamo lacago baad ah ka qaadayay.
Shilkan ayaa naxdin ku noqday ehelaa darawalka la dilay oo u dhintay Qarax looga shakiyay inuu wado. Waana kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca magaaalada Muqdisho.
Goobjooge.com
Ciidamada Dowladda oo Garoonka Muqdisho ku toogtay Darawal Gaari looga shakiyay Qarax