Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaalka ayaa dib ugu celiyay maamul Goboleedyada dalka Liisaskii ay soo gudbiyeen ee musharixiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Guddiga Doorashada ayaa ku dooday in liisaska musharixiinta aysan raacsaneyn qoondada haweenka oo madashu ku heshiisay inaan haweenka lagula tartamin kuraasta loo qoondeeyay.
Maamulada lagu celiyay liisaska musharixiinta Aqalka sare ayaa kala ah:
- Puntland
- Galmudug
- Juballand
Maamulka kaliya ee haweenka kuraastooda u gaar yeelay oo haween qura u soo sharxay inay ku loolamaan ayaa ah maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo liiska uu soo gudbiyay Shariif Xasan la aqbalay.
AKHRISO LIISASKA MUSHARIXIINTA XILDHIBAANADA AQALKA SARE
Arrintan ayaa keeni karta dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada 2016, iyadoo maanta ay ku beegneyd doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.
Goobjooge.com