Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu laba qeybood ugu qeybsamay warbixinta ay kasoo saareen xaaladda maaliyadda dalka iyo musuq ay sheegeen inuu ka jiro maamulka miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018.
Xildhibaano gaaraya 8 oo ka tirsan Guddiga ayaa sheegay inaysan waxba kala socon warbixinta loo gudbiyey saxaafadda ee wadata magacooda, waxaana ay guddoonka Baarlamaanka gaarsiiyeen inay arrintaas dacwad ka yihiin.
Xildhibannadan ayaa la filayaa inay maanta ka hadlaan fadhiga Baarlamaanka ee looga doodayo warbixinta guddiga maaliyadda, iyagoo la sheegay inay caddeyn doonaan mowqifkooda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka uu u gacan galay 4 xubnood oo u badan wasiiradii hore ee dowladii Xasan Sheekh oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore, ujeedkooduna yahay inay la dagaalamaan xukuumadda Kheyre.