Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: Kenyan oo Dacwad ku soo oogtay Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ C/qawi Axmed [Maxaa lagu heystaa?]

Kenya oo dhinacyo badan olole ka wada si ay saameyn ugu yeelato Kiiska Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo 9-ka bishan Septembar dib uga furmaya Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa tallaabo cusub qaaday iyadoo markan adeegsaneysa Madasha Pan African Forum oo uu hoggaamiyo ninka Ugandes-ka ah e lagu magacaabo David Matsanga.

Ninkan oo sheegta inuu u ololeeya Afrikaannimo ayaa dowladda Kenya dabada ka riixeyso geeyay Maxkamadda ICJ, taasoo lagu dalbanayo in guddoomiyaha Maxkamadda ICJ C/qawi Axmed Yuusuf aanu qeyb ka noqon kiiska Dacwadda Badda ee Kenya iyo Somalia maadaama uu kasoo jeedo Somalia, taasoo meesha ka saareysa inuu dhexdhexaad ka noqdo dacwadda.

Galka codsigan ayuu geeyay shalay Maxkamadda Caalamiga ah ee  Cadaaladda ee Hague, dalka Holland, waxayna arrintan qeyb ka tahay ololaha dhinac kasta ka socda ee Kenya ku dooneyso inay wax uga bedesho dacwadaasi, waxaana hadda ku soo biiraya ururrada aan dowliga ahayn ee Kenya.

Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ C/qawi Axmed Yuusuf

Guddoomiyaah Madasha Pan Africa ee David Matsanga ayaa kud oodaya in garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ ee Dr. Cabdulqawi Axmed Yusuf  aanu sharci ahaan ku habooneyn guddoominta kiiska maxkamadda qaadeysa dacwadda Somalia iyo Kenya oo bilaaban doonta 9-ka September 2019.

Ninakn ayaa dhinaca kale ku doodaya inay daneynayaan kiiska oo saameyn ku leh Dalalka Bariga iyo Geeska Africa. wuxuuna ku eedeeyay in Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ uu meel ka baxsan Maxkamadda uu uga hadlay arrinta Badda taasi oo aan loo ogoleen garoosrayaasha.

Wuxuu dhinaca kale dowladda Kenya ugu baaqay inay ja qeyb gelin dhageysiga dacwaddaasi haddii uu guddoominayo Guddoomiyaha ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf.

Kenya ayaa tallaabo kasta u qaaday inay tashwiish ku furto kiiska dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya, iyadoo aan weli ka daalin inay dhinac kasta ka weerarto maxkamadda ICJ, waxaana tani caddeyn u tahay in cabsi weyn ay ka qabto in laga xukmiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON