Tuesday, June 24, 2025

WAR CUSUB: Maamulka Alshabaab ee G/Banaadir oo lacago Seko ah u qeybiyey dad reer Muqdisho ah

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay sawirro ku saabsan xaflad lagu qeybiyey lacago Seko ah oo uu soo qabanqaabisay maamulka Gobolka Banaadir ee Alshabaab.

Munaasabadda qeybinta lacagta Zakada ah ee ay qeybisay qeybta Zakawaadka ee Banaadir ayaan la sheegin goobta ay ka dhacday, waxaana lacagta la siiyey ilaa 200 qof oo reer Muqdisho ah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mida madaxda Alshabaab sida Afhayeenka Sheekh Cali Dheere.

Alshabaab ayaa shaacisay in lacagta Sekada ah loo qeybiyey saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo 200$, waxaana dadka loo qeybiyay ka muuqday inay ahaayeen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood naafo ahaayeen.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Zakada la qeybiyey laga soo qaaday dadka hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON