Warsaxaafadeed goor dhow kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu iska celiyey jinsiyadii labaad ee Mareykanka oo uu heystay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maxamed C/laahi Farmaajo oo hore u heystay jinsiyadaha dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka uu go’aansaday inuu ka tanaasulo jinsiyadiisa labaad ee Mareykanka oo uu muddo ku noolaa, arrintan oo in muddo ah socotay, waxayna arrintan ahayd qodob si weyn loogu dhaliilo oo hore u sababay inuusan ka qeybgeli karin shirarka Golaha Guud ee Q/Midoobay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka. Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010. Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay”.