Mareykanku wuxuu PSF ku tilmaamay ciidamada ugu awoodda badan Puntland ee la dagaalama Argagixisada
Taliska Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa iska fogeeyay inuu xiriir rasmi ah la leeyahay Hay’ada PSF ee ciidamadeeda magaalada Boosaaso kula dagaalamayaan maamulka Puntland.
Afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ayaa sheegtay inaysan xiriir rasmi ah la lahayn Ciidamada PSF, isla markaana aysan taageero toos ah siin ciidanka PSF. AFRICOM waxay PSF ku tilmaantay in ay yihiin ciidanka ugu awooda badan ee Puntland u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.
Wuxuu intaas ku daray inuu ka walaacsan yihiin sida dagaaladu u saameyn karaan awooda PSF ay kula dagaalanto kooxo badan oo mintidiin ah. “Al-Shabaab iyo Daacish labaduba waxay u arkaan in PSF ay caqabad weyn ku tahay helitaanka dhul iyo dhaqaale ee Puntland, waxayna u badan tahay inay si dhow ula socdaan xaaladda” ayuu yiri Afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ooa la hadashay VOA.
“Waxaan ka walaacsanahay inay isku dhacyadani ay hoos u dhigi doonaan awoodaha iyo diiradda PSF-ta oo ay siin doonaan ururadan argagaxisada ah fursad ay uga faa’iideystaan.” ayey tiri Afhayeenka AFRICOM.
Mareykanka ayaa hore u tababaray ciidamada PSF, waxayna ahaayeen ciidamo si gaara u dhisan oo laga sameeyay maamulka Puntland, waxaana taageerada ka joojiyeen sanadkan 2021, markii madaxda hay’adda PSF diideen inay ka mid noqdaan ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya.
