Monday, June 23, 2025

War cusub oo ku soo kordhay ololaha kalsooni u raadinta Xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Kheyre

Isbedel xoog leh ayaa ku soo kordhay ololaha kalsooni u raadinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya kadib markii xubno badan ku soo biireen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wasiirada magacaaban ay dadaal dheer u galeen sidii taageero uga geli lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka oo kulamo kala gaara ay la yeesheen saacadihii ugu danbeeyay.

Qaar ka mida xildhibaanadii saxiixay mooshinka looga horjeedo ayaa lagu qanciyay inay fekerkooda bedelaan, kadib markii dadaal dheeraad ah ay galeen wasiirada magacaaban, waxaana weli socda dadaalkii xukuumadda cusub lagu doonayay inay ku hesho kalsoonida Baarlamaanka.

Qaar ka mida wasiirada magacaaban ee xukuumada cusub

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in dib loo dhigay xilligii baarlamaanka la horgeyn lahaa xukuumadda cusub, waxaana hadda dib loogu dhigay ilaa toddobaadka danbe, arrintan oo ujeedkeedu yahay in taageero dheeraad loo helo xukuumadda.

Wasiirada magacaaban ayaa hadda rajo badan ka qaba in golaha wasiiarada cusub ay kalsooni ka heli doonaan Baarlamaanka, halka maalmihii hore shaki weyn laga qabay Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON