Waanwaantii ay dowladda Federaalka ka dhex waday Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna aya la soo gabagabeeyay iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in isku daygii ugu danbeeyay ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu fashil ku soo dhamaaday.
Kulan xalay dhex maray Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ahaa kii ugu danbeeyay ee dowladda Federaalka ay ku dooneysay in lagu badbaadiyo wadahadal u furma Galmudug iyo Ahlu suna, kaasoo ka socon waayay dhinaca Ahlu suna markii ka tanaasuli waayeen shuruudihii adkaa.
Wafdiyada labada dhinac ayaa lagu wadaa inay ku laabtaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana halkaasi ku istaagay dadaalkii dowladda Federaalka ee mideynta Galmudug iyo Ahlu suna.
Goobjooge.com