Monday, June 23, 2025

WAR CUSUB: Sacuudiga oo diyaarinaya Warbixin uu ku qiranayo Dilka Qoraaga Jamal Kashoqgi

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay isu diyaarineyso warbixin ay kasoo saaro saxafiga lagu waayey Qunsuliyadda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Sida uu faafiyey Telefishanka CNN xog laga helay ilo ku dhow Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu diyaarinayo warbixin ku saabsan kiiska qoraaga Jamaal Kashoqgi, iyadoo uu qiranayo dilka saxafiga inuu u dhacay si khalad ah intii lagu dhex jiray su’aalo lagu weydiinayey Qunsuliyadda, ujeedaduna ay ahayd in la qafaalo ee aan lagu talogelin in la dilo.

Ma cadda qaabka warbixintaasi u diyaariyeen Sacuudiga, laakiin waxay ku soo beegmeysaa iyadoo baarayaasha Turkiga iyo khubaradda dembiyada ay galeen xarunta Qansuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay baaritaan xoog leh ka wadaan.

Ad

Sacuudiga ayaa u muuqda inuu qiranayo dilka naxdinta leh ee lagula kacay qoraaga Jamaal Kashoqgi oo deganaa Mareykanka, waxna ku qori jiray Wargeyska Washington Post, iyadoo dadaalka ugu weyn uu yahay in arrinta lagu koobo saraakiisha amniga Sacuudiga oo aanay saameyn ku yeelan madaxda boqortooyada oo uu ugu horeeyo Dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON