Thursday, July 3, 2025

WAR CUSUB: Shaqaalihii Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqadii laga eryay [Yaase lagu bedelay..?]

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaalihii hab-maamuska ee Villa Somalia shaqadii laga eryay.

Arrintan ayaa ka danbeysay magacaabidda Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji oo ku qanciyay madaxweynaha in shaqaalaha xilligan laga bedelo Madaxtooyada.

Shaqaalaha la eryay waxaa u badan  kuwii hab-maamuuska (Protocol-ka) iyo qaar ka mida agaasinka iyo xubnaha la shaqeeya oo dhan 9 xubnoood, iyadoo la eryay madaixii hab-maamuuska C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime ku-xigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo maalmo ka hor la magacaabay.

Dhalnta cusub ee shaqaalaha Madaxtooyada

Xubnaha cusub ee madaxtooyada loo magacaabay ayaa ah dhalinyaradii ka mid ahaa ololihii doorashada Farmaajo ee la soo shaqeeyay Fahad Yaasiin.

Isbedelka guud ee ka dhacay Villa Somalia ayaa caddeyn u ah siyaasadda aan fadhin ee maamulka Farmaajo oo saddex agaasime loo magacaaaay xafiiskiisa muddo saddex bilood ah oo uu xilka hayay.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON