Waxaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo gaaray siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Siyaasiyiinta lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo waxaa ka mida madaxweyanayaashii hore ee K/Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mida xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo xubno kale oo ka yimid magaalada Nairobi, waxaana Garoonka Kismaayo ka dejisay diyaarad si toos ah uga timid magaalada Nairobi, taasoo la sheegay inuu leeyahay Maamulka Jubbaland oo jebisay xayiraadda ay dowladda Somalia saartay diyaaradaha tegaya Kismaayo.
Siyaasiyiintan waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo C/qaadir Luga-dhere, waxaa kaloo garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyaan siyaasiyiinta oo nasiib u yeeshay sida uu yiri inay soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay.



