Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda qabanqaabo lagu doonayo in lagu furo shirka Dhuusamareeb 3 iyadoo ay ka maqan yihiin maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Shir uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay madaxweynayaasha saddexda maamul ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed ayaa xalay looga hadlay sidii loo furi lahaa shirka Dhuusamareeb 3, waxaana la sheegay inuu Madaxweynaha ku adkeystay in la furo shirka, isla markaana aan loo fadhin maamullada Puntland iyo Jubbaland.
Qorshaha madaxweynaha ayaa ah in shirku furmo maanta gelinka danbe, kadibna uu socdo muddo saddex maalmood ah, xilligaasina ay kasoo qeyb galaan madaxda ka maqan, haddii ay kasoo qeyb geli waayaanna laga soo saaro go’aano.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo codsaday in shirka lala sugo madaxda ka maqan ayaa fekerkiisa waxaa ka hor yimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana arrinta oo dhan ka gaabsaday madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed.
Xaalada shirka Dhuusamareeb 3 ayaa u muuqata mid isbedel weyn ku yimid, waxaana laga cabsi qabaa inaan wax natiijo ah lagu gaarin.
