Tuesday, June 24, 2025

War-Murtiyeed taxadar ka muuqdo oo laga soo saaray shirkii Wasiirada Arrimaha dibadda 3-da Dal & Jabuuti [Akhriso]

Kulan magaalada ay magaalada Jabuuti ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya,  Soomaaliya, iyo dalka Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo diyaariyey.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “Booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kulan kooban la qaateen.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in la gaaray xilligii nabada Jabuuti iyo Eritrea, isla markaana bog cusub loo furay xiriirka labada dal, kadib booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ku tegay Jabuuti.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON