Wada sheekeysi dhexmaray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo agaasimihii hore ee FBI-da James Comey ayaa lasoo daabacay iyaga oo qoraal ah.
Waxaa diyaariyay James Comey, waxaana horey loogu gudbiyay guddiga Aqalka Congress-ka oo baaraya arrimaha ku saabsan xiriirka Trump iyo dowladda Ruushka. Waxaana qoraalladaasi oo qaarkood ay weli qarsoodi yihiin la faafiyey qeyb ka mida.
Waxa ay ka hadlayaan eedeymo la sheegay in Trump uu doonayay in uu difaaco baaritaan ay FBI ku haysay la taliyihiisii xagga amniga Michael Flynn oo la sheegay in uu xiriir la sameeyay dad ka socda Ruushka.
Warqadaha waxaa ku cad in Trump uu Comey ku yiri “Iska dhaaf ninkaas”, isaga oo ula jeeda Mr Flynn. Balse Trump ayaa sheegay in warqadaha lasoo bandhigay ay muujinayaan in uusan wax dambi lahayn, isaga oo ku baaqay in la joojiyo dhibaatada uu sheeganayo in lagu hayo.
Waraaqahan waxa ay waafaqsanyihiin ama ay ka marqaati kacayaan waxa ku qoran buugga uu dhawaan Comey Qorey ee uu kaga hadlay waxyaabihii dhexmaray isaga iyo Trump.
Michael Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kadib markii ay soo baxday in uu been u sheegay FBI-da oo ku saabsan xiriirka uu la lahaa Ruushka.
Trump ayaa si joogto ah u dhaleeceeya Comey, wuxuuna ku tilmaamay nin beenaale ah, isaga oo marar qaarna ku baaqay in xabsiga la dhigo. Isagoo markii la faafiyey qoraalladan soo qoray farriin ah inaysan jirin wax kala dhaxeeya Ruushka.
Waxa uu shaqada ka eryay Comey sanadkii hore xilli uu ku guda jiray baaritaan ka dhan ah Trump.