Sunday, July 13, 2025

Warar is-khilaafsan oo laga faafiyey Horjooge Alshabaab ah oo ay weerarreen Ciidamada Danab & Mareykanka

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay horjooge ka tirsan Alshabaab oo ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidamada kumaandooska Soomaaliya degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warar qaar ayaa sheegay in weerarka oo dhacay maalintii Talaadada agagaarka magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab, kasoo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qoorgaab, ahna taliyaha ciidamada Alshabab oo taliska milateriga dowladda ay sheegeen inay dhaawacmeen, balse warar kale sheegeen inuu badbaaday.

Waxaa la xaqiijiyey inuu weerarka Ciidamada Danab oo ay taageerayeen kuwa Mareykanka lagu dilay darawalkii Bashiir Qoorgaab. inkastoo muran ka taagan yahay halka uu ku danbeeyay madixii ay beegsadeen ciidamada is-kaashanaya ee Soomaalida ee Mareykanka oo ahaa Bashiir Maxamed Qoorgaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON