Wednesday, June 25, 2025

Warar is-khilaafsan oo laga faafiyey Somali heysta Dhalashada UK oo Alshabaab u toogteen Basaasnimo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa mid ka mida koox ay  Alshabaab xukun toogasho ah ku fulyeen degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe Talaadadii, kaasoo ah muwaadin u dhashay dalka UK.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa- Cawaale Axmed Maxamed oo 32 sano jir ah, waxayna Alshabaab ku eedeeyeen inuu u shaqeynayey Sirdoonka Ingiriiska ee MI6, isagoo, waxaana la sheegay inuu qirtay inuu basaasay dad Soomaali ah oo dalka UK degan, isagoo ugu dambeyntiina ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen una soo direen Soomaaliya si uu ugu biiro wax loogu yeero ‘Daacishta Soomaaliya’ waxaana gacanta lagu soo dhigay isagoo muslimiinta dhagar umaleegaya.

Warka ay faafiyeen Alshabaab ayaa la yaab ku noqday dadka qaarkii iyadoo ninkan saxaafadda Ingiriiska ay hore u sheegtay inuu yahay jihaad doon ay isha ku hayaan sirdoonka Ingiriiska oo ku eedeysan inuu ka tirsan yahay koox argagixiso, laakiin wuxuu ka baxsaday Ingriiska, iyadoo ku jira liiska dadka ay ilaalada ka hayaan sirdoonka Ingiriiska.

Xubno kasoo baxsaday Alshabaab ayaa sheegay in ninkan uu ka tirsanaa Daacish, markii uu u gacan galay Alshababna ay si xun u jirdileen heer uu gaaray inuu kala garan waayo dadkii la xabsiga kula jiray.

Arrinta ninkan heysta dhalashada UK ayaa noqotay sheeko layaab leh oo labada dhinac ka gubatay, waxaana muuqata inuu dhexda u galay Alshabaab iyo Sirdoon ku adeeganayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON