Thursday, June 26, 2025

Warar kala duwan oo kasoo baxay Nin xalay toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin dhalinyaro ah oo xalay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxayna dadka degaanka sheegeen in koox ku hubeysan Bistoolado ay toogasho ku dileen ninkan, kadibna goobta ka baxsadeen, waxaana wararku sheegayaan inuu ka tirsanaa maamulka G/Banaadir.

Dadka degaanka ayaa ninka la toogtay oo dhalinyaro ahaa magaciisa ku soo koobay Ayaanle, waxaana goobta falku ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo muddo kadib ay dilkiisa sheegteen kooxda Alshabaab oo sheegtay inuu ka mid aha saraakiisha NISA.

Warar kale ayaa sheegaya inuu ninkan ka mid ahaa shaqaalaha cusub ee Gobolka Banaadir uu ka qortayd degmooyinka, kuwaasoo lagu kenay barnaamijka shaqaaleynta dhalinyarada caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON