Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ug danbeeyay Weerar Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Puntland ee Balli-Khadar [Qasaaraha]

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar Alshabaab ku qaadeen xero milateri oo ciidamada Puntland ku leeyihiin Gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Maleeeshiyada Alshabaab oo fadhigoodu yahay buuraha Galgala ayaa weerar culus ku ekeeyay saldhiga ciidamada Puntland ku lahayeen deegaanka Balli-Khadar ee ku dhow buuraha Galgala, waxaana halkaasi la soo weriyay inuu ka dhacay dagaal culus oo la isu adeegsaday hub culus.

Alshabaab ay sheegatay inay dagaalkaasi ku dileen 7 askari, isla markaana dagaalka ku qabsadeen 8 Gaari oo nuuca dagaalka ah, iyadoo la gubay 7 ka mida baabuurtaasi, iyadoo mid ka mida oo ahaa nooca dagaalka ay kaxeysteen, waxay kaloo Alshabaab sheegatay inay la wareegeen Keydadkii hubka iyo saadka ee saldhigga Balli Khadar.

Dhinaca Puntland ayaan wax faahfaahin ah ka bixin dagaalkaasi, marka laga reebo inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, waxaana saldhigga weli ku sugan ciidamada Puntalnd. Weerarkan ayaa ku soo beegmayaa sanad kadib markii kooxda Alshabaab ee Puntland ay weerar culus ku qaadeen saldhigii Af-Urur ee gobolka Bari halkaasoo lagu laayey ciidamo iyo saraakiil badan oo ka tirsan Puntland.

Degaanka Balli-Khadar oo kuyaala saldhigweyn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa  80 KM u jira magaalo xeebeedka Boosaaso, waana degaan istraatiijii ah oo ku dhex yaala Buuralayda Galgala ee Gobolka Gari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON