Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Guriceel ayaa sheegaya in xaalada magaaladaasi ay haawaneyso, kadib markii ay ka qaxeen dadkii ku noolaa intooda badan.
Ciidamada Ahlu suna ayaa dhufeyso ka qotay gudaha iyo agagaarka magaalada, waxaana kusoo dhowaaday ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee doonaya inay dib ula wareegeen, taasoo dhalisay xaalad cabsi dagaal ah.
Dadka ku haray magaalada ayaa u badan dhalinyaro ilaalo ka heysa guryaha laga qaxay, waxaana xaaladda uga sii daray markii hoggaamiyaha kooxda Ahu suna ee magaalada qabsatay inuu diiday inuu maleeshiyada Ahlu suna ka saaro Guriceel si looga badbaado dagaalka.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa shalay la hadlay maleeshiyada Ahlu suna, wuxuuna ku booriyay inay is difaacaan, isagoo caddeeyay inay dadkooda la joogaan oo ay xaq ku taagan yihiin.
Waxaa fashilmay dadaallo ay wadeen odayaasha degaanka oo ujeedkoodu ahaa in Ahlu suna lagu qanciyo inay ka baxdo magaalada Guriceel, iyadoo Galmudug oo garab ka heleysa ciidamada dowladda Soomaaliya ee Kumaandooska Gorgor iyo Booliska gaarka ah ee Haramcad ay dooneyso inay dib ula wareegto Guriceel.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada Guriceel oo ahayd magaalada ugu dadka badan Gobolka Galgaduud, laakii xilligan isku bedeshay magaalo laga qaxay oo colaad ay saameysay.
