Friday, July 4, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamada Amniga oo toogtay Dableydii Alshabaab & Howlgalkii oo lasoo afjarayo. [Sawirro]

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lasoo afjaray howlgalkii ka socday dhisme ku dhow Hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho, kadib markii dabley Alshabaab ay ay qabsadeen xalay.

Ciidamada Amniga oo in ka badan 13 saacadood la dagaalamayey dabley ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay in la dilay ilaa 3 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasoo galay Guri ku dhegan Hoteelada Wardhere iyo Maka Almukarama oo shacab uu lahaa, iyagoo dhufeys ka dhigtay, taasoo keentay inay muddo dheer qaadato si looga saaro.

Ciidamadu ayaa saaka soo badbaadiyey Dadka shacab ah oo ku go’doomay dhismooyinka u dhowaa Hoteellada la weerarray, waxaana qaraxii weynaa ee xalay ku dhintay dad ka baday 25 qof iyadoo dhaawacu ka badan yahay 60 kale.

Dowladda Somalia oo tan iyo xalay ayaan wax war kasoo saarin arrintan ayaa lagu wadaa inay goor ku dhawaaqdo inuu dhammaaday howlgalkii. Wararka qaar ayaa sheegay in hal nin oo ka mida ahaa dableyda Alshabaab uu weli ka dagaalamayo dhismaha.

Image may contain: car and outdoor
Image may contain: car, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON