Howlgal ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku qaadeen Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka ayaa soo dhammaaday goor dhoweyd.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay xireen wadooyinka soo gala Guriga oo ku dhow isgoyska Banaadir, waxayna baaritaan ka sameeyeen Dhisme balaaran oo uu leeyahay Cabdi Qeybdiid, kaasoo mararka qaarkood uu degan yahay.
Ciidamada howlgalka fuliyey ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho looga yaqaan ciidamada Imaaraadka, waxaana la sheegay inay gaari ku jiireen nin oday ah oo ilaalo ka ahaa Guriga oo dhaawac soo gaaray, iyagoo laba qori ka qaatay ilaalada dhismaha weyn ee Cabdi Qeybdiid, waxay kaloo qaateen telefoonada gacanta.
Ilo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada tallaabadan qaaday ay iskood u fuliyeen howlgalka iyadoo taliyihii watay lagu wado in tallaabo laga qaado sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Hay’adaha ammaanka Muqdisho.
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa leh xasaanad aan iyaga iyo hoygooda la baari karin, haddii aan lagu qaban isagoo dembi faraha kula jira.