Monday, July 7, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Ciidamada Milateriga ku dhex maray Xerada Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya uu dagaal  ku dhex maray xerada Jen. Gordon oo dhowaan ay ka baxeen Imaaraadka Carabta.

Rasaas xoog leh oo laga maqlay xerada duhurnimadii maanta ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Xerada Gen. Gordon, waxayna wararku sheegayaan in dagaalka uu salka ku hayo boob ay ku kaceen ciidamada dhexdooda.

Ciidamo ka tirsan milateriga ee ku sugnaa xerada iyo ciidamo kale oo la socday saraakiil xerada tagtay ay damceen inay hub iyo saanad ka qaataan xerada iyadoo ay diideen ciidamada xerada ku sugnaa.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay  ka war heleen ciidamo xaafadahooda ku dhex ordaya oo aan diyaarsaneyn, kadibna ay bilaabtay rasaas xoog leh, iyadoo loo sheegay inay iska hor yimaadeen ciidamo xerada tagay iyo kuwii ku sugnaa.

Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, waxaase istaagay rasaastii iyo dagaalkii socday, iyadoo ay xaaladu kacsan tahay…

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON