Saturday, June 28, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal qaraar oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo, Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalkii barqanaimadii dib uga bilowday halkaasi uu si weyn u xoohgeystay.

Madaafiicda iyo gantaalaha lidka diyaaradaha ayaa ka dhacay galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana dadweynaha magaalada Gaalkacyo ay ka war heleen rasaas yaryar oo labada dhinac is weydaarsadeen, kadibna hub waaweyn la is weydaarsaday.

Qasaaraha dagaalka maanta ayaa la sheegay inuu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo weriyay hal qof oo dhimasho ah iyo dhaawac 3 ruux ah.

Hubka waaweyn ayaa cabsi ku dhaliyay magaalada Gaalkacyo oo dhinaceeda Bari la isku hayo iyadoo magaalada dhexdeeda laga cabsi qabo inuu  dagaalku soo gaaro.

Faahfaahinta la soco…

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON