Wednesday, July 16, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Dhuusamareeb & Ciidamada NISA oo dib ula wareegay saldhigga Guriceel..

Wararka ayaa sheegaya hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday magaalada Dhuusamareeb uu hoos u dhacay, iyadoo markii ugu horeysay la arkay gaadiidka dagaalka ee Ahlu suna ee difaacaya xarunta INJI ee madaxda Ahu suna.

Waxaa weli socda rasaas goosgoos ah oo u dhaxeysa ee Ahlu suna iyo ciidamada Dowladda ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo lagu soo warramayo in ciidamo gurmad ah ay dowladda Soomaaliya u direyso magaaladaas, kuwaasoo laga duulinayo garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale ciidamada NISA ee dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay saldhigga Booliska magaalada Guriceel oo ay hore u qabsadeen maleeshiyada Ahlu suna, waxaana weerar rogaal celis ahaa oo NISA soo qaaday ay saldhigga ka saareen maleeshiyadii Ahlu suna.

Dagaalka Guriceel ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 3 qof, 2 kalena ay ku dhawacmeen, iyadoo ciidamada NISA ay howlgallo ka bilaabeen magaalada Guriceel.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON