Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qasaare xoog leh uu dhaliyey dagaal beeleedka xalay iyo maanta ka socda degaanka Xeraale.
Wararka ayaa sheegaya in 8 qof oo labada dhinac ah lagu dilay dagaalka, ayna jiraan dhaawacyo intaas ka badan, iyadoo xaaladu kacsan tahay, labada dhinacna ay isku hor fadhiyaan duleedka degaanka Xeraale.
Labada dhinacyada dagaallamay ay isu adeegsadeen hubka Culus, iyada oo dadka deegaanka ay bilaabeen in ay ka barakacaan xaafadahooda, si aan waxyeelo ugu soo gaarin dagaalka.
Dadka degaanka ayaa sheegay inuu dagaalka iskiis u istaagay goor dhoweyd, iyadoo xilli kasta uu dib u bilaaban karo, wuxuuna ka mid yahay dagaal beeleedkani dagaallo degaankaasi ka dhacayey afartii sano ee ugu danbeysay.