Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in madaxda iyo saraakiisha Ahlu suna ay isaga baxeen magaalada. kadib markii ciidamada dowladda Somalia ay la wareegeen goobaha muhiimka ah.
Ciidamada Booliska gaarka ah ee Soomaaliya oo saaka diyaarado lagu geeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa la wareegay amniga magaalada, iyagoo sugaya amniga xarunta madaxtooyada, xarunta shirka dib u heshiisiinta ee Shiirkole iyo Garoonka Diyaaradaha magaalada, taasoo keenay xaalad kacsan oo magaalada gashay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in saraakiisha iyo madaxda Ahlu suna ay ka baxeen magaalada iyagoo shir ku leh duleedka magaalada, iyadoo ka tashanaya tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kadib markii dowladda Federalka ay ciidamo geysay magaalada, taasoo ay hore uga digeen.
Hoggaamiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud Faarax ayaa ka hor yimid qorshaha dowladda Somalia ee shirka dib u heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug, waxayna xaaladu gaartay meel halis ah, markii kooxda Macalinka isku dayeen inay fashiliyaan shirka dib u heshiisiinta Galmudug.