Thursday, June 26, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb iyo Madaxweyne Farmaajo oo Ciidamado badan u diray

Magaalada Dhuusamareeb ayaa u diyaar garoobeysa wejiga labaad ee shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka, iyadoo maanta dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Shalay iyo maanta waxaa magaalada gaaray ciidamadii ugu badnaa ilaalada Madaxtooyada (Koofiyad Cas) oo tiradooda lagu sheegay inay ku dhowdahay 200 askari, iyadoo ay hore magaalada u sii joogeen ciidamo fara badan oo ilaalo u ah madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha.

Madaxda maamul Goboleedyada oo magaalada Garowe uga qeyb galay aaskii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax ayaa maanta iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu wadaa inay maanta Berri ugu danbeyn dib ugu laabtaan Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu isna gaaro magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay intii uu xilka hayey ee uu ka qeybgalo shir ay ugu yeereen madaxda dowlad Goboleedyada.

Arrinta ugu adag ee shirka Dhuusamareeb wejigiisa labaad hortaalla ayaa ah sidii loogu heshiin lahaa Doorasho dalka ka dhacda 2020/2021, iyadoo laba qeyb loogu qeybsan yahay arrintan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa socdaal lama filaan ah shalay ku gaartay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo aan la shaacin ujeedka socdaalkeeda.

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo noqon doona kii ugu adkaa ee dhex maray dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo xilliga kala guurka ah ayaa la filayaa in heshiis keena in xal loo helo Doorasho dalka ka dhacda ama khilaaf ka xoog badan kii hore oo mugdi geliya mustaqbalka siyaasadda dalka, taasoo ku xiran mowqifka Madaxweyne Farmaajo oo weli ku dhegan Doorasho Qof iyo Cod ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON