Sunday, July 13, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Gaakacyo & Beesha Caalamka oo faragelisay xaaladda

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan kadib duqeyn iyo rasaas ka socotay shalay oo dhan oo keentay qasaare dhimasho, dhaawac iyo barakac leh.

Wararkii ugu danabeeyay  ee naga soo gaara Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad colaadeed iyo barakac xoog leh, iyadoo aanay jirin waanwaan socota.

gaalkacyo-ciidanCiidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiya galbeedka magaalada oo shaqaaqadu ka taagan tahay maalintii 8aad. Dhinaca Galmudug ayaa sheegtay inay qabsatay goobtii lagu muransanaa ee suuqa ay ka dhiseysay Puntland.

Labada maamul ayaa mid waliba kan kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday oo uu kaashanayo isbaheysi ay ku soo dareen Alshabaab iyo Daacish, taasoo xaalada uga sii dartay.

Beesha caalamka ayaa wada dadaal ay labada dhinac ku qasbeyso inay xaalada dejiyaan, waxaana wadahadal u socdaan Wakiilada Beesha Caalamaka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON