Wararkii ugu horeeyay Qarax xoog leh oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lala beegsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku taalla Wadadda Maka Al-mukarama, agagaarka Sayidka iyo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa oo aad u xoog badnaa ayaa laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana loo adeegsaday Gaari uu waday ruux is-miidaamiye ahaa, kadibna waxaa bilowday rasaas culus, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliya.
Alshabaab ayaa weerarka ku beegsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku shaqeysa dhismaha Oto Oto ee Isgoyska Sayidka ka soo horjeeda, waxaana halkaas laag maqlayaa rasaas, inkastoo aysan kala caddeyn inay jiraan maleeshiyo gudaha u gashay iyo in kale.
Isgoyska Sayidka ayaa waxaa yaallo Koontarool lagu baaro gaadiidka mara Sayidka, waxaana halkaasi laga sii daayaa kaliya, gaadiidka ay wataan Shaqaalaha dowladda ee aqoonsiyada wata.
Warar qaar ayaa sheegaya inay qasaare xoog leh uu goobta ka dhacay xilli ay gawaari badan goobta ku sugneyd, waxaana halkaasi gebi ahaan xiray ciidamada iyadoo uu socdo gurmadka caafimadka.