Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee xiisad ka taagan magaalada Cadaado, Galmudug

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay kadib markii dagaal dhex maray labada ciidan ee Booliska iyo Nabadsugidda.

Ciidamada NISA ayaa tegay saaka xarun ay ku shiraan xildhibaanada xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug, halkaasoo ay ilaaliyaan ciidamada Booliska iyagoo ku amray inay isaga baxaan xaruntaasi.

Muran ka dhashay  ayaa keenay in in labada ciidan ay rasaas is weydaarsadaan subaxdii hore kadibna uuu dagaal kale ka dhaco barqadii maanta iyadoo lagu dilay 2 askari dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Xaaladda aya markii dambe ka dejiyay markii ay soo dhex galeen waxgarad iyo saraakiil ay ka mid yihiin kuwa AMISOM, waxaana degan xaaladda magaalada Cadaado oo xiisad siyaasadeed ka taagan tahay.

Ciidamada NISA ayaa laga saaray xarunta ay tageen saaka, waxaana dib loogu celiyay fariisimahoodii.

Taliyaha AMISOM ayaa shalay ka sheegay Cadaado in ciidamada aysan wax lug ah ku yeelan xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON